Madaxweyne Mustafe: “Al-Shabaab albaab qaldan bay soo garaaceen”

Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in Al-Shabaab aanay khalkhal gelin karin amniga degaanka

“Waxaan ku kalsoonahay in amaanka deegaanka ayna sina ku khalkhalin karin argagixisada Al-Shabaab, cid kasta gadaal ha ka riixdee. Halkani ma aha halkay moodeen” ayuu yiri Madaxweyne Mustafa.

Wuxuu sidoo kale Madaxweynuhu u mahadceliyay shacabka degaanka “Waxaan si wayn ugu mahadnaqayaa shacabka Deegaanka Soomaalida ee muujiyay midnimo aan horay loo arag, is garab taagayna halyeeyadooda.”

Mustafe Muxumed Cumar ayaa maalmahaan ka maqnaa magaalada caasimadda ah ee Jigjiga isaga oo ku sugnaa deegaanno ka tirsan gobollada Afdheer iyo Shabeelle. ee dhaca xadka Somalia.

Waxaa xaalad deggenaan ah ay ka jirtaa saaka deegaanka Laas-qurun oo u dhow degmada Feer-Feer ee gobolka Shabeelle, halkaas oo shalay uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Liyuu boolis iyo  Al-Shabaab.

Dagaalkaas ayaa dhacay kaddib markii sida la sheegay ay ciidamada Liyuu boolisku dagaal ku qaadeen mintidiin ka tirsan Al-Shabaab oo kasoo tallaabay dhinaca Soomaaliya.

Laamaha ammaanka ee deegaanka ayaa sheegay in ay guul ka gaareen dagaalkaas isla markaana ay dib u riixeen oo ay xadka dhaafiyeen Al-Shabaabkii gudaha deegaanka soo galay.

 

- Advertisement -